Wasaaradaha & Hay’adaha Jubbaland oo laga mamnuucay inay heshiisyo galaan

Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Maamulka  Jubbaland ayaa ku wargeliyey dhammaan Wasaaradaha, Wakaaladaha iyo hay’adaha dowliga ah ee Jubbaland in aysan geli karin wax heshiis ah oo uu ka warqabin Xafiiska Hanti-dhowrka guud.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Maamulka  Jubbaland ayaa lagu xusay in heshiisyada la galayo ay ahaadaan kuwo waaqsan Dastuurka Jubbaland.