Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay qabatay xubno Shabaab ka tirsan

Taliyaha Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo  ay Sameeyeen Ciidanka Hay,adda Nabad Sugida iyo Sirdooonka Koonfur Galbeed kaasoo ka dhacay Deegaano Hoosyimaada Magaalada Baydhabo oo ay kamid ahaayeen Goofgaduud Shabeelow,Abdurug,Buula tugeer,Awees emed,Jidoow,Safriya iyo Aliyow Muumin

Howlgalka oo qaatay Sacado ayaa lagu soo qabtay xubno ka mid ah ururka Al Shabaab sida uu sheegay taliska waxaa sidoo kale lagu soo furtay dad ay heysteen Shabaab.

Taliska Hay,adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa mudooyinkaan wado Howlgalo lagu Xaqiijinayo Amniga Magaalada Baydhabo.

Ujeedada howlkaan ayaa lagu sheegay in ka hortagida weerarada Al Shabaab ay qorsheeyeen bisha Ramadaam.