Britain oo cunaqabateyn kusoo rogtay dalka Belarus

Britain ayaa ku dhawaaqday qeybtii ugu horeysay ee cunaqabateyn ka dhan ah dalka Belarus oo ku saabsan taageerada ay u fidisay duullaanka Ruushku uu ku qaaday dalka Ukraine.

Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii Britain ay cunuqabateyn kusoo rogtay bangiyada Ruushka iyadoo u mareysa xannibaadda hanaanka caalamiga ah ee lacag-dirista bangiyada ee loo yaqaano SWIFT.

Cunaqabte6ntaan ayaa kusoo beegmeysa xilli weli uu socdo dagaalka todobaad jirsaday ee u dhaxeeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine.