Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, guddoomiyeha Degmada Beledweyne Cismaan dhicisoow dhuubow Duqa Magaalada Beledweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay hay’adda FAO iyo Wasaarada beeraha iyo Waraabka ee dowladda Fedaraalka iyo Wasaarada Beeraha Hir-Shabeelle.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Xubbaha wafdiga waxa ay u gudbiyeen warbixin ku saabsan habka loo wajahayo biyo xireenka Magaalada Beledweyne.
Maamulka gobalka Hiiraan ayaa wafdiga u gudbiyey Goobaha wax qabadka dhabta ah u baahan si loo wajaho Daruufta dhabta Ah ee jirto si xal waara looga gaaro Arrimaha fatahaadaha Magalaadda Beleweyne.



