Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hambalyeeyay dhamaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee doorashadooda Maanta lagu soo veba-gabeeyay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
“Waxaan u hambalyaynayaa xildhibaannada maanta loo doortay in ay afarta sano ee socota Dowlad Gobaleedka Jubbaland ku matalaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kala ah Xasan Daahir Yaroow, Ibraahim Owgaab Cismaan, Leyla Nuur Maax iyo Maryan Faarax Kediye. Waxaan Alle uga baryayaa in uu masuuliyadda u fududeeyo.
Musharax Daahir Geelle oo sidoo kale kamid ah hoggaanka Midowga Musharixiinta ayaa madaxda Jubbaland ku bogaadiyay dhamaystirka doorashada xildhibaannada Aqalka Sare.

#Geelle2021



