Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharixiinta Maamulka Jubbaland ku matalaya Aqalka Sare ee Beri doorashadooda ka dhaceyso halkaas.
Gudiga doorashooyinka ayaa waxaa ay diiwaangeliyeen 7 Musharax oo u tartami doono Afarta kursi ee Aqalka Sare uga harsan Maamulka Jubbaland, kuwaas oo kala ah, Ibraahim Awgaab Cusmaan, Farxiyo Macalin Cabdi, Maryan Faarax Kadiye, Samsam Maxamed, Laylo Nuux Maax , Xareedo Maxamed Sheekh & Xassan Daahir Yarow, halka musharixii 8aad uu isaga haray tartanka.
Musharax Xilibaan Aqalka Sare Xassan Daahir Yarow oo kamid ah musharixiintii Maanta la diiwaangeliyay ayaa sheegay in uu isku diyaarinayo tartanka doorashada, isla markaana uu raja ka qabo in uu guuleysto.
Dhinac kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa sheegay in si wanagsan ay ugu dhamaatay diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare, sidoo kalena ay u diyaar garoobeen inay Malinta berito ah qabtaan doorashada Afarta kursi.
Jubbaland ayaa Maalinta berito ah soo geba-gabeyn doonto doorashada Afarta kursi ee uga harsan Aqalka Sare, waxaana xigi doona Maamulka Galmudug oo doorashadooda ay u harsan tahay laba kursi.



