Rooble oo marka kale faragaliyay khilaafka Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Rooble ayaa labada dhinac ku canaantay in aysan qaadan Masuuliyadda Saaran si loo qabto doorasho lagu wada kalsoon yahay.

Waxaa uu u soo jeediyay in ay si deg deg ah xal u gaaraan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay.