SAWIRO:-Banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa Canfarta ku heyso Soomaalida oo dhacay

Banaanbaxyada ayaa waxaa ay manta ka kala dhaceen degaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, waxaana looga soo horjeedaa xasuuqa ay maleeshiyaadka Canafrta ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada Soomaalida ah.

Banaanbaxyada ayaa waxaa ay ka kala dhaceen Magaalooyinka Jigjiga iyo Qabri-Dahare ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka qeyb galay Boqolaal Ruux o watay boorar ay ku qoran yihiin ( DAMBIILAYAASHA XASUUQAY SHACABKA GARBA CIISE WAA IN CADAALADDA LA HORKEENAA) & Erayo kale.

Qaar kamid ah dibadbaxyaasha oo Warbahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegen inay siweyn uga soo horjeedaan xasuuqa ay maleeshiyaadak Carfanta ku hayaan Soomaalida, iyaga oo uga digay inay sii wadaan dhbaateynta.

Waxaa ay dowladda Fadaraalka Itoobiya  ka codsadeen in sharciga la horkeeno dadkii gumaadkaasi geystay, iyaga oo geesta kalena caddeeyay in ay hiil iyo hoo la bar-bar taagan yihiin shacabkooda dhibaatadu soo gaartay ee galbeedka gobolka Siti.

Malmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ku yaal Gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida waxaa ka socday dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Canfarta iyo dad Xoolo dhaqato Soomaali ah, waxaana mas’uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ay sheegeen inay difaaci doonaan Shacabka Gobolka Siti.