Maamulka Dhuusamareeb oo ku baxay Khilaaf ka dhex-jiray Maamul degaan

Gudoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimada Cabdirahman Cali Maxamed (Geedaqorow) oo ay wehliyaan agaasimaha  waaxda dhulbixinta Degmada Cabdi Cali Khayre iyo Afhayeenka maamulka Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Bashir Mohamed Salad ayaa kormeer shaqo kutagay deegaanka Bohol oo Dhuusamareb kaxiga Galbeedka.

Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee Maamulka Caasimada Galmudug katirsan ee gaaray deegaanka ayaa u kuurgalay xaalada dadka deegaanku kusuganyihiin,waxaana uu kulamo laqaateen bulshada qaybaheeda sida odayaasha,dhalinyarada iyo maamulka deegaanka,waxana dhamaan uu dhinacyadaa kala hadlay xalinta khilaaf kadhexjiray maamulka deegaanka bohol,caqabadaha hay’adaha samafalku kala kulmaan dadka deegaanka taas oo sababtay inuu joogsado gargaarkii loogu talo galay dadka danyartaa ee halkaasi dagan.

Gudoomiye Geedaqorow ayaa sheegay in uu  kuguulaystay xalinta caqabadihii uu deegaanka utagay waxayna bulshada deegaanka kusoo balameen inay kawada shaqeeyaan hormarka deegaanka lagana gudbo in bulshadu kala qaybsanto.

Gudoomiyaha ayaa intaa kadib waxa uu kormeer kutagay Schoolka deegaanka oo ay wasaarada Waxbarashada Galmudug dhismihiisa gacanta kuhayso kaas oo gaba gabo maraya,ceelka biyaha laga cabo iyo ceelkii horay deegaanku u cabi jireen kaa oo ah ceel mudo fog lacabayay taariikh facwayna leh.