Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Golaha wadatashiga doorashooyinka oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sabtidii shalay ayaa qorshuhu ahaa in uu shirkaasi furmo balse sababo la xiriira Madaxda dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka maqnaa uu u baaqday, hayeeshee waxaa haatan ku sugan Muqdisho Madaxweynayaasha maamulada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland halka uu maqan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Shirka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo caqabadaha la gudboon heshiiskii doorasho.
Warar kal hore soo baxayay ayaa sheegayay in Madaxda dowlad Goboleedyada qaarkood ay doonayaan in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii doorasho, iyaga oo doonaya in Goobaha doorashoyinka lagu qabanayo inay noqoto Maamul kasta hal Goob, si uu u yaraado culeys farabadan oo ay la kulmi lahaayeen.



