Guddoomiyaha Mandheera oo sheegay inay kordheen weerrarada Al-Shabaab

Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Cali Ibraahim Rooba ayaa sheegay in dhibaato dhanka amniga ah ay Al-Shabaab ku hayaan degaannada hoostaga magaalada Mandheera.

Guddoomiyaha oo Boqolaal Ruux kula hadlayay magaalada mandheera waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay had iyo jeer ay weeraro joogto ah ka fuliyaan Magaalada Mandheera degaanada hoostaga,isla markaana aysan jirin cid waxka qabaneysa.

Waxaa uu ugu baaqay bulshada ku nool Magaalada Mandheera inay hal meel uga soo wada jeestaan una midoobaan la-dagaalanka Al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka gaabisay dowladda Kenya la dagaalankooda.

 “Waa inaan galno dagaal nafsi ah, nolashaanada cariiriga gashay waa inaan u istaagno oo aan isku tashano kan adkaano Al-Shabaab, ma aragno askar la dagaamaleysa oo cabsi ayaa heysa ayuu yiri” Guddoomiyaha Mandheera.

Hadalka Guddoomiyaha Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Cali Ibraahim Rooba ayaa kusoo aadaya xilli labadii todobaad ee la soo dhaafay Al-Shabaab ay weeraro kala duwan ka fuliyeen degaanno hoostaga Magaalada Mandheera.