Shilka oo ah mid Gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Sagaalka geed oo ka tirsan Gobalka Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari, waxaana shilka ka dhashay dhaawaca lix Ruux iyo burburka labada Gaari.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dadka ku dhaawacmay Shilka la geeyay isbitaalka Magaalada Beledweyne, si halkaasi loogu daaweeyo.
Sidoo kale Bulshada ku nool degaanka Sagaalka Geed ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay gurmad ballaaran u sameeyeen dadka Shilka ku dhaawacmay, iyada oo labada Gaari ee shilka galay la kala qaaday.



