Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Hiiraan oo si deg deg ah ku tegay degmada feerfeer

Wafdi uu horkacayay guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Feerfeer ee Gobolkaasi Hiiraan, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiisha ciidamada qalabka sida, gudoomiye ku-xigeenka  amniga gobolka Hiiraan ,Xunbo ka tirsan Gollaha Wasiiradda maamul Goboleedka Hir-shabeelle,Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hiiraan,ayaa si diiran loogu soodhaweeyay degmada Feer-feer ee Gobolka Hiiraan, waxaana afafka hore ee degmada  kaga horyimid maamulka degmada feer-feer iyo shacabka degmada ku dhaqan .

Waxa la filayaa saacadaha soo socda in uu u bilowdo kulan laga arinsanayo  hormarinta degmada iyo sidii loo adkeyn lahaa ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka ayaa inta uu ku sugan yahay degmada fee-feer waxa uu xariga ka jari doonaa mashraariic  hormarineed oo degmada laga hergeliyay.