Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga fuliyeen wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo Magaalada  Baydhabo ee Xarunta Gobolka  Baay, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka dhacaan.

Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashanle Maxamed Nur Maxamed (Mad dheere) ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weeraro ay mararka qaar Al-Shabaab ka fuliyaan wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo Magaalada  Baydhabo.

Taliyaha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee uu sheegay in amniga Guud ee wadadaas lagu xaqiijinayay, waxaana jiray in howlgalka uu barbar socday howlgal kale oo miinooyinka lagu baarayay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan howlgallo kala duwan ka sameeya qaar kamid ah degmooyinka dalka, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulma xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.