Xiisad dagaal wali ka taagan degaanka Xananbuure

Wararka naga soo gaaraya degaanka Xananbuure ee  gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas goos goos ah caawa laga maqlaayo Xaafaddaha degaankaasi.

Rasaasta ayaa waxaa iswaydaarsanaya maleshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda dhexe ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan degaankaasi oo ah mid saameyn weyn ku yeelatay dadka degaanka.

Waxaa wali socdo dadaallo, iyadoona waxgaradka labada dhinac ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka.