Dhageyso:-Xildhibaan uga digay Xukuumadda RW Rooble inay la timaado muddo kororsi

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu hortago Xildhibaannada Golaha Shacabka si uu uga warbixiyo waxqabadka xukuumadiisa ee 100-ka Maalmood.

Hayeeshee saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayaya ayaa waxaa ay sheegayeen in Ra’iisul Wasaaraha uu damacsan yahay in Baarlamanka uu weydiisto muddo kordhin, waxaana aasi kasoo horjeestay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Idiris Ganeey oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in marnaba aysan ka aqbaleyn Ra’iisul Wasaaraha in uu Baarlamanka la horyimaado wax la yiraahdo muddo kororsi.

Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho waxaa uu sheegay in ay buuq ku kicin doonaan laguna kala tegi doono kulanka Golaha hadii uu Ra’iisul Wasaaraha ula yimaado qorshaha ku saabsan muddo kororsiga.