Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Degmooyinka Gobalka Banaadir.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Caasimadda, Siyaasadda, Doorashooyinka iyo u diyaargarowga natiijadda shirka Samareeb ka socda ee uu ka qeyb galayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Cumar filish.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa warbixino la xiriira amniga waxaa uu ka dhageystay guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir., isaga oo sidoo kale faray inay howlahooda dardar geliyaan.
Shirka todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa todobaadkii mar looga hadlaa xaaladaha kajira dalka, iyada oo awaamiir culus la faro mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir.



