Somaliland ayaa bayaan ka soo saartay go’aanka dawladda Federaalka Soomaaliya ay kaga soo horjeesatay xiriirka Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan yeesheen, taas oo sababtay in maalin ka hor Taiwan ay xafiis Diplumaasaiyadeed ka furato Magaalada Hargeysa.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxaa looga digay dowladda Federaalka Soomaaliya hanjabaadaha ay u jeedineyso dowladaha ay Soomaaliland xiriirka la yeelaneyso.
Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliland ay xorriyadeeda dib ula soo laabatay 1991-kii,, kadib xorriyadii 1960-kii, isla markaana aysan aqbaleyn in faragelin lagu sameeyo howlaheeda,waxaana ay ugu baaqeen Dowladda Federaalka inay joojiso dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Soomaaliland.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Soomaaliland.




