Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay soo geba-gabeeyeen wajiga koowaad ee dadaalada waxka qabshada fatahaahada xalalka deg deg ah.
Xubnaha guddiga ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay ku howlanaayeen dhisida biyo xireen si looga hortaggo fatahaada uu sanad walba Magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan uu Wabiga ka geysto,isla markaaa ay ka barakacaan kumanaan qoys.
Goobaha biya xireenka laga sameeyay waxa ka mid ah tuulada Hilikilyo oo dhacda duleedka dhinaca waqooyi ee magaalada Baledweyne halkaas, oo kamid aheyd meelaha biyaah sida daran uga soo jabsan jireen karkaarada.
Ing Cabdi Kariin oo kamid ah injineerada gacanta ku haya dhismaha Biyo xireenka ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay u socoto Shaqada dhisida Biyo xireenka si aysan markale u dhicin fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geysto Magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha guddiga gurmadka Fatahadaha Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa dhankiisa sheegay inay soo geba-gabeeyeen wajiga koobaad ee biyo xireenka Hilikilyo, isla markaana ay rajeynayaan inay guulo ka gaaraan.
Guddigan ku howlan la tacaalista iyo ka hortagga fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne ayaa sameynaya Carro tuuro waaweyn oo ay dhigayaan goobaha uu Wabiga ka jilicsan yahay si uusan u fatahin.



