Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay ku guuleysteen inta badan inay xaqiijiyaan Amniga Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer ay ka dhaceen weeraro oo uu kamid ahaa weerarkii lagu dilay guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Sanyare.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo ay wsaqti badan geliyeen sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Magaalada,isla markaana inteeda badan ay ku guuleysteen.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay adeegsanayaan dadyow kala si ay u geystaan falal amni darro,hayeeshee ka maamul ahaan ay ka warqabaan tallaabana aya ka qaadi doonaan kuwa mniga lidiga ku ah.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Mudug Puntland waxaa uu sheegay in laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo ay beegsan doonaan Xarumo uu sheegay in loogu adeego Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo uu sheegay in laga soo abaabulo falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay ka wada arrimiyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo qaarkood lagu dilay mas’uuliyiin,waxaana mas’uuliyiinta labada Maamul ay sheegeen inay iska kaashanayaan sugida Amniga Magaalada.