Cabsi ka taagan gobollo ka mid ah Mareykanka

Xarunta Qaran ee Duufaannada u qaabilsan Mareykanka ayaa xilli hore oo Sabtida maanta ah sheegtay in Duufaanta Isaias ay si “tartiib ah u sii xoogeysaneyso” iyadoo qarka u saaran in ay ku dhufato Bahamas islamarkaana haatan ku sii jeedda gobollada koonfureed ee Mareykanka.

Isaias ayaa ku socota jihada waqooyi-galbeed iyadoo wadata dabaylo aad u xoogan oo ku socda qiyaastii 135-kilometer saacaddii, sida laga soo xigtay khubarada saadaasha hawada.

Duufaanta Isaias ayaa lagu wadaa in ay ku dhufato gobolka koonfur-bari Mareykanka ku yaalla ee Florida gelinka danbe ee maanta oo Sabti ah ama Axadda.

Gobollada Florida iyo North Carolina ayaa ku dhawaaqay digniino la xiriira duufaantan ku soo fool leh.

Guddoomiyaha Gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay in ay xaalad deg deg ah galayaan ilaa dhowr iyo toban degmo oo ku yaalla xeebta badda Atlantic.

Roobab culus oo ka dhashay duufaantan ayaa la filayaa in ay ka bilowdaan gobolka Florida maanta, iyadoo ay soo gaari doonaan gobollada Carolinas horaanta toddobaadka danbe.