Ciraaq oo farrin kulul u dirtay dowladda Jarmalka

Wasiirka arrimaha dibedda Ciraaq Fouad Hussein ayaa ugu yeeray dhiggiisa Jarmalka Heiko Maas taageero ah, ka saarista Baqdaad ee liiska wadamada Yurub kujira khatarta badan, si dhaqaalo iyo maalgelinta u helaan.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Ciraaq ayaa lagu sheegay in Hussein uu khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Jarmalka, iyagoo ka wada hadleen arrimo laba geesood ah iyo danaha gobolka.

Sida lagu sheegay bayaanka, wasiirka Jarmalka wuxuu sheegay in waddankiisu uu si adag uga shaqeyn doono ilaalinta madaxbanaanida Ciraaq, isla markaana uu sii wadi doono howshiisa ka dhexeysa isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalama Daacish.

Wasiirka Ciraaq wuxuu kaloo ugu yeeray Jarmalka inay u adeegsato saameynteeda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay la leedahay waddamada gobolka, si looga hortago faragelinta arrimaha gudaha Ciraaq.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in siyaasada cusub ee arrimaha dibedda ee Baqdaad ay kuxiran tahay abuurista xiriir isku dheelitiran oo lala yeesho dhammaan waddamada deriska la ah oo ku saleysan gaarista danaha guud, xallinta dhibaatooyinka, isla markaana ku mashquuliya Ciraaq iyo dadkeeda xiisadaha caalamiga iyo mida gobolka