Dowladda Soomaaliya oo diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 39 xaaladood oo COVID-19 ah iyo 45 qofood oo xanuunka ka boqsootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Banaadir 14 Ruux, Puntiland 12, Somaliland 8 , Jubbaland 3 halka Koonfur Galbeed laga helay 2 qofood . Bukaannada cusub 51 ayaa rag ah 22-na waa haween.

2,642 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 622 ayaa guud ahaan ka bogsootay halka Geerida ay mareyso 88.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in wadajir looga qayb qaato dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka Feyruska Karoona, in dadka waaweyn iyo dadka xaruunnada daaha qaba si gaar ah xaaladdooda looga taxaddaro iyo in wacyi gelinta iyo talooyinka caafimaad si saxan loogu dhaqmo.