SAWIRO:-Howlgal wado furis ah oo ka bilaawday Gobolka Gedo

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa deegaano ka tirsan Gobolkaas waxaa ay ka bilaabeen howlgallo amniga lagu xaqijinayo sidoo kale lagu furayo wadooyin ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca Amniga ah.

Taliyaha xasilinta gobolka Gedo Bakaal Kooke ayaa sheegay howlgalkaan uu yahay mid lagu sugi doonoAmniga wadada u dhexeyso xarunta gobolka gedo ee Garbahaarey iyo degmada Balad-Xaawo.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo,waxaana Ciidamo horleh oo ka keenay degmada doolow ee Gobolkaasi Gedo.

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadna oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay howlgallada ka wadaan wadada u dhaxeysa degmooyinka Garbahaareey & Beled-Xaawo.