Ninka loo haysto dilka George Floyd oo lagu siin deyn karo $1.25 milyan oo dollar

Askarigii hore ee booliska Minneapolis ee lagu eedeeyay dilka ninka madow ee aan hubaysnayn ayaa markii ugu horraysay waxaa la keenay maxkamadda halkaas oo damaanadda lagu sii daynayo laga dhigay hal milyan iyo 1.25 milyan oo doolar.

Dacwad oogayaasha ayaa dareemay “culayska uu xukunkan leeyahay “, iyo xasarada ka dhalatay dilkii loo gaystay George Floyd.

kumannaan qof oo ku sugan gobolka Texas ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay xuskii ugu dambeeyay u samaynayaan George Floyd, oo ah ninkii dilkiisa ay ka dhasheen dibadbaxyada ka dhacaya dunida ee lagu dalbanayo in cadaalad loo helo falalka cunsuriyadda ku salaysan.

Xuska aaskiisa ayaa waxaa lagu qaban doonaa kaniisad ku taal magaalada Houston oo ah halkii uu Mr Floyd ku soo koray.