Tirada dadka u geeriyooday Coronavirus oo kordhay iyo 436 ruux oo la il daran

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19.

Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 46 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 436 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus.

 

Warbixinta maanta ee Wasaarada Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd:

Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 46 qof.

> Lab: 33
> Dhedig: 13
> Bogsasho: 0
> Dhimasho: 5

> Tirada Guud: 436
> Dhimashada Guud: 23
> Bogsashada Guud: 10