Coronavirus: Tirada dhimashada Mareykanka oo gaartay heer ka sareeysa Talyaaniga

Mareykanka ayaa hadda ka sarra maray Talyaaniga tirada ugu badan ee dhimashada coronavirus adduunka oo dhan.

Xogtii ugu dambeysay, oo ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins, waxay muujineysaa in ka badan 20,000 oo qof oo ku nool Mareykanka in ay dhinteen.

Guul-darrada naxdinta leh ayaa timid waxyar uun ka dib markii Mareykanku noqday waddankii ugu horreeyay ee diiwaangeliya in ka badan 2,000 oo dhimasho ah hal maalin gudaheed.

Gudoomiyaha magaalada New York Andrew Cuomo ayaa sheegay sabtidii dhimashada dadka gobolka in ay u muuqato mid soo yaraaneysa.

Isagoo ku dhawaaqaya 24-saacadood ee lasoo dhaafay dhimashada cusub in ay noqtay 783 qof, wuxuu xusay maalmihii ugu dambeeyay inay arkeen tiro isku mid ah.

Mr Cuomo ayaa yiri “Taasi ma ahan mid marwalba sarreysa, waxaadna arki kartaa in tiradu ay xoogaa xasilloon tahay laakiin waxay markasta ka dhigan tahay heer aad u xun,”

“Kuwani waa tiro aan caadi aheyn oo muujinaya khasaare iyo xanuun aan caadi aheyn.”

Gobolka New York wuxuu noqday xuddunta dhimashada Mareykanka, iyadoo guud ahaan la diiwaan galiyay 530,000 kiis.

Laga soo bilaabo Sabtidii, gobol kasta oo Mareykan ah wuxuu ku dhawaaqay musiibo ka jawaab celinta cudurka dillaacay.

Laga soo bilaabo Axadii hore, Talyaanigu wuxuu soo sheegey 19,468 dhimasho oo coronavirus ah halka Mareykanku uu gaaray 20,608, sida lagu xaqiijiyay Johns Hopkins.

Waxaa hadda jira ugu yaraan 529,951 kiis oo Covid-19 guud ahaan Mareykanka.

Dr Anthony Fauci, madaxa cudurada faafa ee Mareykanka, ayaa sheegay in wadanku uu “bilaabayo inuu arko heerka uu marayo iyo hoos u dhaca kiisaska iyo dhimashada.

Talooyinka loogu jeedinayo bulshada in ay feejignaan galaan ayuu si is daba jog ah usoo sarayaa Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweynaha ayaa wajahaya cadaadis iyada oo ugu yaraan 16 milyan oo shaqooyin ah laga waayey toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo dhibaatada fayrasku uu curyaamiyay dhaqaalaha dalka.

Wuxuu sheegay Jimcihi in dhaqale cusub lagu bixin doono caafimaadka usbuuca soo socda si loogu caawiyo dadka dhibaateysan.

Waxay ku soo beegmaysaa arntaan iyadoo Koongarasku sii wado inuu sii liqdo marxaladda xigta ee gargaarka dhaqaale ee Covid-19′.

Dimuqraadiyadu waxay rabaan sharci cusub oo dhaqaale si loo caawiyo ganacsatada yar yar iyadoo maalgalin dheeraad ah lagu sameynayo isbitaalada iyo dawladaha hoose.

Laakiin Sabtidii labada Republican ee ugu sareeya Aqalka Koongareeska, Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell iyo Hogaamiyaha Aqlabiyada Aqalka, Kevin McCarthy, ayaa diiday dalabkaas.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayay ku tilmaameen tallaabadaas mid “khatar aan laga fiirsan noqon karta.

917 kale oo dheeri ah ayaa laga diiwaangeliyey Boqortooyada UK, taasoo guud ahaan dalka tirade dhimashada ka dhigeysa 9,875

Wasaaradda caafimaadka Isbaanishka ayaa sheegtay 510 dhimasho oo dheeri ah 24 saac ee lasoo dhaafay waana tirada ugu hooseysay ee halkaas laga diiwaan geliyey ku dhawaad seddex toddobaad.

Dhimashada Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa korartay laakiin tirada bukaannada ku jira daryeelka degdegga ah ayaa hoos u dhacay mar labaad

Waxaa jira warar sheegaya in Raiisel wasaaraha Hindiya ogolaaday in la kordhiyo talaabooyinka xiriyaarada lagu saraya dadaka si loo yeereyo faafida xanuunkan.

In kabadan 100,000 ayuu u dhimatay fayraskaan adduunka oo dhan tan iyo markii uu ka dilaacay Shiinaha bishii Decembar.