Madaxweyne ku xigeenka Iran oo laga helay coronavirus

Madaxweyne kuxigeenka Iran ayaa laga helay cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ sida ay ku Warantay warbaahinta dowlada .

Masoumeh Ebtekar wuxuu ka mid yahay 254 qof oo uu haleelay fayraska Coronovirus ee dalka Shiinaha kasoo bilowday.

Kiisaska ‘Coronavirus’ ee dalka Iiraan ayaa sare u kacay 106-kii 24-kii saac ee la soo dhaafay, wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa ku dhawaaqday Khamiista.

Guud ahaan dunida, in ka badan 80,000 qof ayaa la xanuunsan cudurka Corona kaas oo Shiinaha ka bilowday bishii Disembar.

Cudurkan oo ku dhac neef mareenka ayaa waxaa haatan u dhintay dad gaarayo 2,700 qof.