Dhageyso:-Soomaali ku xanibban dalka Iiraan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo deysay Tahriibayayaal Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Iiraan,kuwaas oo Ciidamada Iiraan ay ka qabteen xilli ay tahriib ku jireen Xaduuda ay la wadaagaan dalka Turkiga.

Safiirka dalka Senegal u fadhiya Soomaaliya Amb, Maxamed Xuseen Owliyo oo dowladda u xilsaartay siideynta dadkaas ayaa sheegay inay ka kooban yihiin 5 Rag ah iyo Saddex Haween ah,hayeeshee ay ku xirnaayeen meelo kala duwan una suurtagashay inay soo daayaan.

Wareysi uu siiyey Radio Risaala ayaa waxaa uu u sheegay in Sideeda qof ay muddoo 13 Bilood ah Xabsi ku jireen,isla markaana qorsuhu ahaa in Soomaaliya la keeno,balse ay ka baaqdeen.

Waxaa uu sheegay in sababaha safarkooda uu u baaqdey ay qeyb ka tahay Dowladda Iiraan oo joojisey duulimaadyada kala duwan ee dalkaasi tegi jiray iyo kuwa imaan jiray arrimo la xiriira cabsi laga qabo Cudurka Coronavirus.