Yurub oo ka shiraysa argagixisada

Kadib weerarkii Brussels, wasiirada arrimaha gudaha iyo cadaalada ee waddamada Yurub ayaa shir deg deg ah ku qabanaya maanta magaalada Brussels.

Waxay ka hadli doonaan sidii looga hortagi lahaa qatarta ka imaanaysa argagixisada, iyo sidii looga hirgalin lahaa sharciyada argagixisada dhamaan Midowga Yurub.

Waraysi uu siiyay BBC agaasimaha boliiska Yurub Rob Wainwright, ayaa ka digay in argagixisada iskuxiran inta ay la’eg tahay la yaraystay.

Wuxuu sheegay in hay’adiisa ay muhiimada siin doonto inay la shaqayso dowladaha si loo helo siday isugu xiran yihiin.