Kenya oo qabatay rag ku biiri rabay Shabaab

Kenya-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo qorsheynayay in ay ku biiraan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya sida ay shaaciyeen Warbaahinta dalka Kenya.

Ragga la qabtay oo lagu kala magacaabo Suleiman Hemed Mwandilo oo 37 sano jir ah iyo Salama Salim Mohamed 39 sano jir ah ayaa waxa ay doonayeen in ay ka talaabaan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen raggan in lagu soo qabtay Howlgal Ciidanka ay ka sameeyeen degaanka Takaba ee Magaalada Mandera, waxayna Shabaab u qaabilsanaayeen qorida dhalinyarada.

Waxay kaloo saraakiisha ammaanka Kenya sheegeen in xubnahaasi laga helay cadeymo muujinaya in ay u socdeen Soomaaliya, islamarkaana ay doonayeen in ay ku biiraan xoogaga ururka Al-Shabaab.

Labadan nin oo Maxkamad la hor geeyay ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin kalluumeysato doonayay in ay Kalluun u iib geeyaan Soomaaliya, balse ugu dambeyn Maxkamaddu ay go’aamisay in mudo 30 cisho ah Xabsiga lagu sii hayo.

Al-Shabaab ayaa waxaa ka bar bar dagaalama Ajaanib badan oo u kala dhashay dalalka deriska la’ah Soomaaliya, kuwaasi oo fuliya weerarada kala duwan ee ka dhaca gudaha dalka Kenya.