Faah faahin:- Howlgallo dad badan lagu soo qab qabtay

Baydhabo-RisaalaFM- Ciidamada ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen tiro dad ah  oo looga shakisan yahay in ay ka qeyb ka yihiin falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca magaalada Baydhabo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay howlgalkan ujeedkiisa in uu yahay xaqiijinta amniga, Ciidamada amnigana amar lagu siiyay in ay sugaan amniga.

Wuxuu sheegay Wasiirka Howlgalkan in lagu soo qab qabtay dad fara badan kuwaasi oo u badan dhalinyaro, hadana ay ku socdaan baaritaano ku aadan sidii loo kala saari lahaa cidii dambi leh iyo cidii dambi lagu waayay.

“Beryahanba way jirtay in la xaqiijiyo ammaanka, Ciidamada ammaanka waxaa lagu amray in ay sameeyaan howlgallo dheeraad ah, waxaan arajeynaynaa in guulo la taaban karo laga gaaro howlgalkan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Todobaadkii ina dhaafay ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad shacab ah.