DHAGEYSO: Madaxweyne Guuleed oo ka hadlay Mooshin laga keenay

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Mooshin Shalay ay ka keeneen xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa Nasiib daro ku tilmaamay Mooshinka ay xildhibaanada ka keeneen.

Waxaa uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad adag oo  u baahan in la samatabixiyo.

Xildhibaanada ayuu ugu baaqay in ay ka laabtaan mooshinka , islamarkaana ay ka qeyb qaataan gurmad loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan degaanada Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado waxa ay  mooshin ka keeneen Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.