DHAGEYSO: Maamulka Shirkadda ECCO oo ka hadlay Qarax lala eegtay

Maamulka Shirkadda ka shaqeysa Nadaafadda Magaalada Muqdisho ee ECCO ayaa faahfaahin ka bixiyay Qarax la sheegay in uu qabsaday gaari ka mid ah kuwa ay leedahay Shirkadda oo yaallay iridda Hore ee Garaashka Shirkadda oo ku yaalla meel u dhow Isgoyska Zoobe.

Maxamuud Yusuuf Xasan Maamulaha Shirkadda ECCO oo la hadlay warbaahinta waxaa uu beeniyay in Qaraxa uu ahaa mid ku xirnaa Gaariga Qarxay ama lagu soo raray, laakiin waxaa uu sheegay in Qaraxu ahaa bam gacmeed lagu weeraray gaariga meesha yaallay.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad ay ku tuhmayaan in ay ka dambeeyeen falkaasi, islamarkaana ay ku wargeliyeen Hay’addaha Ammaanka.