Daawo Sawirada Dhacdooyinkii ugu layaabka Badnaa ee ka dhacay Afrika 2016-dii
Ilyaas Daa'uud
Oscar Pistorius ayaa iska bixiyey lugaha macmalka ah ee uu ku socdo wuxuuna u dhaqaaqay qolka dhegeysiga Maxkamaddii ku socotay dalka Koonfur Afrika bishii June.Dibadbaxayaal reer Zimbabwi ah ayaa bishii August ku gubey magaaladda Harare ee caasimadda lacag naqad ah oo duug ah, iyaga oo ka mudaharaadaya lacagta cusub ee la sameeyey oo la rabey in ay caawiso doollarka oo yaraadey.Dhinacan waddadu waa Yugaandha, dhinacana waa Jamhuuriyada Dimuqraadiga Koongo, Qiimaha Basashu waa isku mid labada dhinacba. maalintaas, kooxda kubada koleyga ee Ruwanda ayaa ku heestey heesatii calanka ee wadankooda ka hor intii aanay la cayaarin Shiinaha.Koonfurta Suudaan waxay caan ku tahay legdinta, bishii Abril waxa ay markii ugu horreysey qabteen tartankii ugu horreeyey illaa intii dagaalka sokeeye ka dhacay sannadkii 2013-ka.Dibadbaxyo aan hore loo arag ayaa ka dhacay Zimbabwe sannadkii 2016-ka. Kadib markii la xirey laba qof oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshadda, dibadbaxayaal iy booliis ayaa iskaga hor yimi magaaladda labaad ee ugu weyn ee Bulawayo.Daadad waaweyn oo ka rogmadey Beledweyne, oo waqooyi ka xigta Caasimada Muqdisho ayey dad badani ka qaxeen guryahoodii bishii May.Bishii Abril, gabadh yar ayaa lagu dul arkey iyada oo fuushan geesaska dibi xero lo’ada lagu dhaqo Koonfurta Suudaan.Image copyrightEPA October, Askari ka tirsan Suudaanta Koonfureed ayaa geeska saca Hoon ka dhigaya iyadoo lagu jiro hawlgal ciidan.Image copyrightAPFaanta maroodiyada 6,700 ayaa lagu gubey Beerta Xayawaanka ee Nairobi Kiiniya, iyada oo lagu muujinayo sidda ay wadanka uga go’an tahay in la badbaadiyo maroodiyada.Madaxweynaha Zimbabwe Robert ayaa bishii Febraayo ugu dabaal degay dhalashadiisii 92aad.Magaaladda Knysna ee Koonfur Afrika, nin Rastafarian ah ayaa u ogolaadey sawir qaade in uu duubo isaga oo u dabaal degaya diintiisa oo ay ku jirto isaga oo tuunbo ka cabaya xashiishad.Mudaharaadyo ka dhashay shaqo la’aanta ka taagan Tunisa, Nin shaqo la’aan ah ayaa iska xiray bushimaha taasi oo qayb ka ah cunto ka soomid bishii January.Ugu dambayntiina, mootoda maraysa magaalada Kinshasa, ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa fariintan “loba biloba in boyi”, oo ah luuqadda Lingala oo macno ah “Dadka afaarahooda ka bax”.