Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xuutiyiinta oo weeraray Sacuudiga.

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sacuudi Carabiya, Riyadh.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ciidamada Difaaca Madaniga ah ee Sacuudigu ay soo saareen digniin kooban oo ku saabsan “khatar suuragal ah” oo ka jirta agagaarka Riyadh, taas oo markii dambe la joojiyay.

“Duqeyn lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh ayaa lagu fuliyay gantaal ballistic ah,” ayuu yiri Yahya Saree, afhayeenka milatari ee Xuutiyiinta.

Weerarro dhimasho sababay oo ay Xuutiyiintu geysteen bishii hore ayaa sababay in garoonka la xiro muddo laba toddobaad ah, welina si buuxda uma shaqeynayo.

Dhanka kale, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas ayaa maanta sheegay inuu markii ugu horreysay toddobaadyadii u dambeeyay gargaar caafimaad gaarsiiyay magaalada Taciz.

Magaaladan istaraatiijiga ah ayaa toddobaadyo waxaa go’doomin ku hayay Xuutiyiinta xulafada la ah Iran.

Exit mobile version