Xulka Gabon oo noqday xulkii ugu horeeyay ee soo gudbiya liiska ciyaaryahanada uga qeyb galaya tartanka Africa
admin
xulka kubadda cagta ee Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee soo gudbiyay liiska ciyaaryahanada uga qeyb galaya koobka qaramada qaarada Afirica, oo lagu qaban doono isla wadankooda, waxa uuna furmi doonaa bartamaha bisha soo socota ee Janaury.
Gabon ayaana ku jirta Group-ka A, waxaana ku wehliya xulka awooda badan ee Afarta jeer heysta koobkan ee Cameroon.
waxaa dib loogu yeeray ciyaaryahanka khadka dhexe ee kubadaha ku dagaalama ee kooxda Sunderland Didier Ndong, xiddigaan ayeyna taageerayaasha Liverpool ku xasuustaan dhaawicii uu u geestay laacibkooda Phillipe Coutinho.
xulkan waxaa hogaamin doona weeraryahanka Borussia Dortmund ee Pierre Emerick Aubameyang oo ah kabtanka qaranka Gabon, waxaana macalin u ah Gabon Jose Antonio Camacho, haddaba waa kan liiska ciyaartoyda oo dhammeystiran.
Daafac:Lloyd Palun (Red Star_ France),Yoann Wachter (CS Sedan Ardennes_ France), Johann Serge Obiang (Troyes_France), Aaron Appindangoye (Stade Lavallois_France),Bruno Manga (Cardiff City_ Wales), Andre Poko (Karabukspor_ Turkey),Franck Obambou (Stade Mandji), Benjamin Ze Ondo (Mosta FC_Malta)