Xukuumadda Israa’iil ayaa u muuqata in ay ka badbaadday burbur ku imaan lahaa, ka dib markii dhinac ka mid ah xulafada dowladda uu ka noqday hanjabaad ku saabsaneyd inuu ka baxayo isbahaysiga, taasoo kallifi laheyd in la qabto doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyay.
Naftali Bennett oo ka socda xisbiga Yuhuudda ee Jewish Home party ayaa horay u bidhaamiyay inuu ka bixi doono isbahaysiga, balse maanta oo isniin ah ayuu ku dhawaaqay inuu sii joogi doono.
Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa maalmihii ugu dambeeyay wada hadallo la yeeshay wasiirrada xukuuumaddiisa, isagoo isku dayayay in isbahaysigiisu uu sii mideysnaado.
Xasaradda siyaasadeed ayaa billaabatay ka dib markii uu xilka iska casilay wasiirkii gaashaan dhigga ee Israa’iil, isagoo ka careysan xabbad joojin ay Israa’iil la gaartay mintidiinta ku sugan magaalada Qasa, go’aankaasoo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ku tilmaameen “isdhiibitaan”.
Mr Bennett ayaa sheegay in uu xisbigiisa kala bixi lahaa isbahaysiga haddii aan loo magacaabi lahayn wasiirka gaashaan dhigga.
Mr Netanyahu ayaa xilkaas si ku meel gaar ah usii hayay tan iyo markii uu wasiirkii hore iscasilay.
Tallaabada uu wasiirkii difaaca uga baxay dowladda xisbigiisana uga saaray isbahaysiga ayaa sababtay in xukuumadda Netanyahu ay hal kursi oo qura aqlabiyadda uga heysato baarlamaanka ka kooban 120-ka xubnood.

