Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xubno ka tirsan Alshabaab oo isa soo dhiibay

Laba Xubnood oo ka Tirsanaa Alshabaab ayaa isu soo dhiibay Dawlada Federaalka Soomaaliya waxana magacyadoo lagu kala sheegay :

1-Xasan Macalin Aways oo looyqaan (jindullaah ) 2-  iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna loo yaqaan  ( jabal ) kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Labadan xubnood ayaa Ka tirsanaa Alshabaab muddo 3 sanno ah iyagoo ka dagaal galay gobollada dalka qaarkood waxaana ay sheegeen inay ka soo laabteen ka mid noqoshada  Alshabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey waxa  jira sida dawladu ay sheegtay cubno ka tirsan Alshabaab oo isu soo dhiibaya Ciidamada Qaranka.

Exit mobile version