Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xogtii ugu dambeysay duqeyn ka dhacday G/Bari ee lagu dilay hoggaamiyeyaal Sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday hoggaamiyaal sare oo ka tirsan Kooxda Daacish ee ka dhacay buuraha Calimiskaad ee gobolka Bari.

Duqeyntan ayaa waxaa si gaar ah ugu dhacday toga Jeceel iyo deegaano kale oo hoostaga buuraha Cali miskaad ee gobolka Bari, waxaana amarka duqeyntan bixiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ilaa iyo 6 duqeyn ayaa lala beegsaday kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaal sare lagu khaarijiyay duqeynta, inkastoo weli aan la helay magacyada raga la dilay.

Macluumaad ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay ku dhawaad 12 xubnood oo isugu jira hoggaamiyeyal iyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda Daacish.

Weli waxaa soconaya xaqiijinta magacyada xubnaha Daacish ee lagu dilay duqeynta ka dhacday Gobolka Bari.

Warar kale ayaa ka soo baxaya duqeynta ka dhacday gobolka Bari, iyadoona saraakiisha ammaanka Puntland ay shegayaan in xubno culus lagu khaarijiyay duqeynta, balse ma bixin magacyada xubnahaasi.

Muddo bil ah, ciidamada ammaanka Puntland ayaa kordhiyay howlgalladooda ka dhanka ah ururka ISIS, iyagoo isku dayaya inay burburiyaan saldhigyada ururka ee ku dhex yaalla dhulka buuraha ah ee gobolka Bari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump marka uu ka hadlay duqeynta ayaa waxaa uu sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.

“Gacan ku dhiiglayaashaasi oo aanu ka helnay iyaga oo ku dhuumaaleysanaya godad, ayaa khatar geliyay Mareykanka iyo xulufadeenna. Duqeymaha ayaa burburiyay gudadki ay ku noolaayeen, waxana lagu dilay in badan oo ka mid ah argagixisada iyadoo aysan wax dhibaato ah kasoo gaarin rayidka.”

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay weerarka Mareykanka ee lagu beegsaday hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda IS ee qeybaha waqooyi ee dalka.
Taliska Maraykanka wuxuu sheegay duqeynta lagu qaaday xarumaha Daacish-ta Soomaaliya, laguna dilay xubno ka mida Daacish, balse ay weli socdaan xaqiijinta qasaaraha weerarku geystay, kadibna la baahin doono.

Waxay intaas ku dareen in Faahfaahin dheeraad ka bixineyn iminka weerarka si loo xaqiijiyo bedqabka howlgalka oo socda.

Ciidamada Mareykanka waxay hore ugu dileen buuraleyda fog ee waqooyiga Soomaaliya sanadkii 2023-kii hoggaamiyihii Daacish, Bilal al-Sudani iyo toban kale, howlgalkaas waxaa armay Biden.

Kooxda Daacisg ayaa waxaa ay saaxadda caalamka soo gashay sanadkii 2010-kii, iyadoo ka soo baxday Ciraaq iyo Suuriya.

Garabka Daacish ee Soomaaliya waxaa sanadkii 2015-kii sameeyay koox ka soo go’day al-shabaab oo ah kooxda ugu weyn Soomaaliya.

Exit mobile version