Shirkii u dhexeeyay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan, kaddib markii dhinacyadu ay ku kala tageen is-afgarad la’aan ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo tan federaalka, balse weli lama gaarin nooc doorasho oo la isku raacsan yahay.
Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa isaga soo tagay madaxtooyada kadib kulankii labaad oo kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax tanaasul ah laga helin labada dhinac. Mid kasta ayaa ku adkeysanaya mowqifkiisa, taasoo keentay in shirku fashil ku dhammaado.
Ilo xog ogaal ayaa Risaala Media u sheegay in Waxa ugu weyn ee shirka maanta ku cusbaa uu ahaa mowqifka adag ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku adkaystay in aan laga wada hadli karin doorashada heer federaal ah ilaa marka hore la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Dhanka kale, xukuumadda federaalka ayaa markale ku adkaysatay go’aankeeda ku saabsan doorashooyinka dowlad goboleedyada, iyadoo Madaxweynaha uu si cad u sheegay in aan shirkan lagu soo qaadi karin doorashada maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, sida ay sheegayaan wararka laga helay.
Wuxuu meesha ka saaray in arrimaha maamuladaas ay khuseeyaan wadahadallada socda.
Kadib nasashadii salaadda duhur oo laga rajeynayay in jawigu isbeddelo, wax horumar ah lagama gaarin is-mari-waaga.
Madaxweynaha ayaa ku celiyay in doorashada federaalka ay ku xirnaan doonto dhammaystirka doorashooyinka golayaasha deegaanka, taasoo keentay in kulanka lagu soo xiro jawi aan wax horumar ah laga samayn.
Ilaa hadda lama oga tallaabada xigta ee Golaha Mustaqbalka.
Madaxda ayaa waxaa la filayaa inay caawa yeeshaan wadatashiyo u gaar ah oo ku saabsan xaaladda dalka iyo natiijada shirka.
Haddii dhinacyadu muujin waayaan tanaasul, waxaa muuqata in wadahadalladu qarka u saaran yihiin inay gebi ahaanba burburaan, islamarkaana Madaxda Jubbaland iyo Puntland ay suurta gal tahay inay ka tagaan magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa inay faahfaahin ka bixiyaan shirkii maanta ka dhacay Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

