Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xilliga la dooranayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo la shaaciyay

Muqdisho-RisaalaFM- Maalinta berri ah ayuu qorshuhu ahaa in la doorto Madaxweynaha iyo waliba Madaxweyne ku xigeenka Maamulka cusub ee Hirshabeelle ee fadhigiisu uu yahay Magaalada Jowhar.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta berrito oo Sabti ah aysan dhici doonin Doorasho, balse Doorashada ay dhici doonto Axada oo Taariikhda ay ku beegan tahay 16 Bishan.

Wasaarada ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Doorashada ay ka qeyb gali doonaan Madax ka tirsan Dowladda iyo waliba marti sharaf kale.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabo balaaran oo loogu jiro Doorashada Madaxtinimo oo ka dhaceysa Magaaladaas, oo lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo waliba Madaxweyne ku xigeenkiisa.

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa shalay si rasmi ah u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba labadiisa ku xogeen, iyadoo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka loo doortay Qof Dumar ah.

Exit mobile version