Xildhibaannada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) u doortey Sanetorka 4aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.
Sanetor Maxamuud Maxamed Cabdinuur  ayaa la tartamay Nuur Baabul Cadow, waxana uu kaga guuleysatay codad gaaraya 76 Cod halka Nuur Baabul Cadow oo laTartameyey uu heley Codad gaareya 9-cod, iyada oo ay halaabeen 5 Cod.
Goordhow ayaa waxaa dhici doonta doorashada kursiga Shanaad ee ugu dambeeya 5 kursi ee  musharixiintooda uu soo gudbiyay Madaxweynaha koonfur Galbeed, kaas oo ay ku tartami doonaan Xuseen Maxamed Daahir  iyo Xasan Maxamed Nuur