Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Mooshinka ka keenay Guddoomiye (Jawaari) ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii Guddiga joogtada ay ku laaleen Mooshinkooda, iyagoo xusay in laga been abuurtay Xildhibaanada qaar ee la sheegay inay ka laabteen Mooshinka.
Qodobada xildhibaanadan ay ku eedeeyeen Guddoomiye (Jawaari) waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.
Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo sharciga iyo Dastuurka u yaalla, isagoo ku tilmaamay wixii shalay ka soo baxay kulankii Guddiga joogtada ay ahaayeen kuwo aan xeerka iyo sharciga waafaqsaneyn.
Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Guddoomiye (Jawaari) aanu Guddoomiye u aheyn Golaha shacabka inta uu xukunka ka dhacayo.
“Guddi joogtana go’aan kama gaari karaan Mooshinka (Jawaari) Guddoomiye uma ahan Golaha shacabka, inta Mooshinka yaallo, annaga Mooshinka aan wadno waa mid ku socda dariiqa saxd ah.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali.

