Jowhar-RisaalaFM- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay Digreetadii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu gobolka Hiiraan ugu magacaabay degmooyin ka tirsan gobolkaasi.
Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in berri Baarlamaanka uu yeelan doono kulan, kadib kulankoodana ay u yeeri doonaan Madaxweynaha Hirshabeelle, si wax looga weydiiyo magacaabista degmooyinka cusub.
1-dii bishan ayay aheyd markii uu Saddex degmo uu magacaabay, kuwaas oo kala ah Ceel Cali, Far Libaax iyo Halgan.
Sidoo kale 9-kii bishan ayuu magacaabay Degmooyinka kala ah Burweyn, Moqokori, Fer-feer iyo Buq-Aqablle oo kawada tirsan gobolka Hiiraan
Deegaanada qaar ee degmooyinka loo magacaabay ayaa waxaa gacanta ku haya ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa xilligan wajahaya cadaadis uga imaanaya siyaasiyiinta Gobolada uu maamulo.
