Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.
Kulan ay Maanta yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka Muqdisho oo ay soo xaadireen161-mudane ayaa lagu ogolaaday heshiiska.
Dhammaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulan ayaa aqbalay heshiiska oo ahaa ugu codeeyay.
Golaha Shacabka waxaa horyaalla Sharciyo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda oo lagu doonaayo in ay meelmariyaan , waxaana ka mid ah Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa.