Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xildhibaanada golaha degaanka Boosaaso oo dooranaya duq cusub

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka socota doorashadda Gudoomiyaha cusub ee Magaalada iyo sidoo kale ku xigeenkiisa.

Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Boosaaso ee maalintii shalay la dhaariyey, ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan gudoomiyaha cusub e golaha deegaanka iyo kuxigeenkiisa.

Doorashadan oo maanta dhacaysa xarunta dowlada hoose ee Boosaaso ayaa xubnaha u tartamaya kursiga duqa degmada Boosaaso waxa ay kala yihiin wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland ee shalay iscasilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax xaaji Mire oo labadooba ah dhalinyaro aqoonyahano ah.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Boosaaso ee wax dooranaya ayaa ka koban 31 xubnood,waxaana ku jira lix xubnood oo haween ah taasoo markii ugu horeysay ka dhigaysa in haween intaa le’eg ay kamid noqdaan golaha cusub ee deegaanka Boosaaso

 

 

Exit mobile version