Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xildhibaanada BFS ee matala Jubbaland oo ku eedeeyay DFS in ay colaaddo ka hurinayso G/Gedo

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubbaland ayaa war-saxaafadeed si adag uga soo saaray xaaladda colaadeed ee ka taagan Gobolka Gedo, iyaga oo eedeyn culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay duullaan qorsheysan ku qaaday Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, taasoo ay xildhibaanadu ku tilmaameen mid carqaladeynaysa xasilloonida, amniga iyo kala dambeynta dowladnimada. Waxa kale oo lagu eedeeyay dowladda dhexe in ay shacabka deegaanka ku qaaday cunaqabateyn, cabsi gelin iyo dhibaatooyin kale oo saameeyay noloshooda.

Xildhibaanadu waxay si adag u cambaareeyeen ficilada guracan ee ay Dowladda Federaalka ka waddo gobolka, waxayna ugu baaqeen Madaxda DFS in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda iyo faragelinta, islamarkaana la ilaaliyo dastuurka iyo kala sarreynta hay’adaha.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha in ay si dhow ula socdaan xaaladda gobolka, kana hortagaan cawaaqib xumada ka dhalan karta faragelinta dowladda dhexe.

Ugu dambeyntii, xildhibaanadu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay ka dhiidhiyaan cadaalad darrada iyo xadgudubyada lagu hayo Jubbaland, si loo badbaadiyo midnimada, nabadda iyo dowladnimada dalka.

Exit mobile version