Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka oo ka hadlaayay goob lagu soo dhaweynaayay Gudoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in guriga Gudoomiyaha loo diiday in ay tagaan xildhibaanada qaar.
Waxaa uu sheegay in gurigiisa uu ku yaalla Gudaha Madaxtooyadda, islamarkaana dhammaan xildhibaanadii keenay Mooshinka loo diiday in ay galaan.
Waxaa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu yahay xabsi guri.
Xildhibaanka ma sheegin Cidda ka dhigtay xabsi guriga iyo sababaha looga dhigay,mana jiro war kasoo baxay Gudoomiye Mursal oo arintaan xaqiijinaya.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dib markii xildhibaano ka badan 92 ay soo gudbiyeen Mooshin xilka qaadis ah.

