Site icon Radio Risaala: Somali News Online

Xildhibaan Nasra Xasan oo la xiray

Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.

Xildhibaanada la xiray ayaa lagu Magacabaa  Nasra Xasan waxaana lagu xiray magaalada Jigjiga.

Xildhibaan Nasro ayaa laga qabtay Gurigeeda ka dibna xabsiga ayaa loo taxaabay

Maamulka Mustafe Maxamed Cumar  ayaa waxaa laga dalbaday in ay ilaaliyaan  sharciga, islamarkaana aan lagu xadgudbin Mudanayaasha Baarlamaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen in hada ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo xildhibaanka ay xireen ciidamada amaanka ee dowlada deegaanka Soomaalida.

Ma cadda sababta keentay in la xiro xildhibaanada ,laakiin maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray xildhibaano kala duwan oo kasoo horjeeday Madaxweynaha cusub ee dowlad degaanka Soomaalida.

Exit mobile version